HomeWararTobaneeyo Diyaaradaha Itoobiyan Airlines oo si Degdeg u caga-dhigtay Khartoum

Tobaneeyo Diyaaradaha Itoobiyan Airlines oo si Degdeg u caga-dhigtay Khartoum

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

12 Diyaaradaha Rakaabka ee Shirkadda Ethiopian Airlines waxay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku khasbanaadeen in laga weeciyo Garoonka Bole International Airport ee magaalladda Addis Abeba, sababo la xiriirta Ceeryaamo ku gedaamanayd.. Roob Mahiigaan oo ka da’ayey Addis Abeba iyo Ceeryaamo aan waxba laga arkin ayaana sababtay inay Duuliyayaasha Diyaaradaha wax ka arki waayaan […]

- Advertisement -

12 Diyaaradaha Rakaabka ee Shirkadda Ethiopian Airlines waxay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku khasbanaadeen in laga weeciyo Garoonka Bole International Airport ee magaalladda Addis Abeba, sababo la xiriirta Ceeryaamo ku gedaamanayd..

Roob Mahiigaan oo ka da’ayey Addis Abeba iyo Ceeryaamo aan waxba laga arkin ayaana sababtay inay Duuliyayaasha Diyaaradaha wax ka arki waayaan ilaa 800 oo Mitir ee gudaha Garoonka Bole, taasi oo sababtay in Garoonka lagu degi waayey.

- Advertisement -

Maamulka Garoonkaasi waxay go’aansadeen inay Diyaaradihii Rakaabka ee Ethiopian Airlines ee Hawada ku jiray loo weeciyo Garoomo kale oo ku yaalla qaar k mid ah dalalka deriska.

Madaxa Duullimaadyada Rayidka ee Garoonka Caalaamiga ee Caasimadda Sudan ee Khartoum, Ibraahim Cadlaan waxa uu sheegay inay 12 Diyaaradaha Shirkadd Ethiopian Airlines ay Degitaan Degdeg ah ku soo caga-dhigteen Garoonka Khartoum, isla markaana loo fidiyey dhamaan wixii Adeegyo Tas-hiilad, Farsamo iyo Loojistiko ee ay u baahnaayeen.

Waxa kale oo uu xusay inaysan Diyaaaradahaasi waxb u dhimin Jadwalkii Duullimaadyada Diyaaradaha kale ee ku soo degi lahaa iyo kuwii ka hinqan lahaa Garoonka Khartoum International Airport.

- Advertisement -

Ibraahim Cadlaan waxa uu tilmamay in Tallaabadda ay qaadeen qeyb ka tahay Heshiiska Caalamiga, iyadoo Garoonka Khartoum uu Garoon 2-aad u yahay Garoonka Addis Abeba marka ay jiraan Xaaladaha Degdega ee dhanka Duullimaadyada iyo Isbedelka Cimilada iyo xaalladaha kale.

Waxa kale oo uu xusay inaysan hadda ka hor arkin iyadoo ay 12 Diyaaradaha Ethiopian Airlines ay muddo 6 saacadood gudaheeda ku soo degaan Garoonka Khartoum.

Dhinaca kale, Madaxa Duullimaadyada Rayidka ee Garoonka Caalaamiga ee Caasimadda Sudan ee Khartoum waxa uu xusay in 2 Diyaaradood oo dheeraad ah oo ay Shirkadda Ethiopian Airlines leedahay loo weeciyey Garoomada Diyaaradaha ee ku kala yaalla magaalladda Jabuuti ee dalka Jabuuti iyo magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Latest stories