HomeCaalamkaMadaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Ciidankiisa kala baxayo Iraq

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Ciidankiisa kala baxayo Iraq

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

In ka badan 18 sano kadib, Madaxweyne Joe Bifden ayaa ku dhawaaqay inCiiddanka Maraykanka soo gebagebeyn doonaan Hawlgalladda Dagaal ee ay ka wadeen dalka Iraq.

Madaxweyne Biden waxa uu hadalkaasi kaga dhawaaqay Kulan uu RW Iraq, Mustafa Al-Kadhimi xalay kula yeeshay Aqalka Cad ee Washington waxay ku heshiiyeen in Hawlgalkaasi la soo af-jro dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

- Advertisement -

Madaxweyne Biden waxa uu tilmaamay in doorkooda Iraq uu noqon doono inay sii wadaan Tababarka, Taageeradda iyo inay ka caawiyaan haddii uu Dagaalka Kooxda Dacish dib u curto.

2,500 askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan gudaha Iraq, kuwaasi oo diirada saarayo Dagaalka Kooxda Daacish iyo Tababarka iyo La-talinta Ciiddanka Iraq si ay isaga difaacaan Kooxda Daacish.

Isbahaysiga Maraykanka waxay dalka Iraq ku qabsadeen Duullaan bishii Maarso ee sanadkii 2003-dii, iyagoo xilligaasi ku andacoonayey inuu Hogagamiyihii dalkaasi, Saddaam Xuseen uu haysto Hubka si daran wax u gumaada.

Latest stories