HomeWararMaxkamadda Puntland oo xukuno adeg ku riday 9 Nin oo howlgal lagu...

Maxkamadda Puntland oo xukuno adeg ku riday 9 Nin oo howlgal lagu qabtay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay xukuno ku riday rag farabadan oo lagu helay dembi ah inay gudaha deegaanada Puntland gelin jireen maandooriyaha khamriga.

Raggaan la Maxkamadeeyay ayaa waxaa ay tirro ahaan gaarayan ilaa 9 nin oo ka wada tirsanaa Shabakad maandooriyaha khamriga gelin jirtay gudaha Puntland, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka amniga Puntland.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu shaaciyay in 9-ka Ninka oo qirtay dembiga lagu helay lagu riday xukun ah min lix sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000 Dollar.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay oo xorriyaddiisa dib ugu celisay eedaysane kale oo lagu waayay wax dembi ah, kaasi oo markii hore kamid ahaa ragga ay soo qabteen Ciidanka ammaanka Puntland ee la Maxkamadeeyay.

Howlgalka lagu qabtay 9-ka Nin ee lagu helay inay gudaha Puntland gelin jireen maandooriyaha khamriga ayaa waxaa laga sameeyay tuulo lagu magacaabo Magacley oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories