HomeCaalamkaNin daabacay sawir uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH oo geeriyooday

Nin daabacay sawir uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH oo geeriyooday

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Nin u dashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Kurt Westergaard oo sawirro uu ku sheegay Nebi Maxamed (NNKH) ay aad uga caroodeen Muslimiinta caalamka, ayaa ku geeriyooday da’da 86 jir. Qoyskiisa ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuun muddo hayay, sida uu ku warramay wargeyska Berlingske. Westergaard ayaa horraantii 1980-meeyadii ku biiray wargeyska dalkaas ka […]

- Advertisement -

Nin u dashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Kurt Westergaard oo sawirro uu ku sheegay Nebi Maxamed (NNKH) ay aad uga caroodeen Muslimiinta caalamka, ayaa ku geeriyooday da’da 86 jir.

Qoyskiisa ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuun muddo hayay, sida uu ku warramay wargeyska Berlingske.

- Advertisement -

Westergaard ayaa horraantii 1980-meeyadii ku biiray wargeyska dalkaas ka soo baxa ee Jyllands-Posten, isagoo u qaabilsanaa sawir gacmeedka.

Waxa uu soo caan-baxay sanadkii 2005, markii uu wargeyskaas ku daabacay sawir gacmeed uu ku sheegay Nebi Maxamed.

Sawirka ayaa kamid ahaa 12 sawir gacmeed oo uu wargeyska uga hadlayay faafreebka warbaahinta iyo in dhaliil loo jeedin karo Islaamka.

- Advertisement -

Arrintaas ayaa ka caraysiiyay Muslimiinta caalamka, waxaana cabasho xooggan Denmark u gudbiyay safiirrada dalalka Muslimiinta ah u fadhiya waddankaas.

Rabshado ka dhashay sawir gacmeedka ayaa bishii February ka dhacay dalal badan oo Muslim ah. Waxaa la weerarray safaaradaha ay Denmark ku leedahay tiro waddamo ah, halka tobanaan qof ay ku dhinteen rabshadaha.

Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa caasimadda Paris ayaa qaatay go’aan noocaas ah, waxaana uu daabacay sawirro uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed. Sanadkii 2015, weerar lagu qaaday xarunta wargeyskaas ayaa waxaa lagu dilay 12 qof.

Latest stories