HomeWararCiidanka Galmudug iyo kuwo xoogga dalka oo howgallo Culus ka wada Gobolka...

Ciidanka Galmudug iyo kuwo xoogga dalka oo howgallo Culus ka wada Gobolka Mudug

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Ciidanka Galmudug iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howgallo qorsheysan ka fuliyeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan degaanada Galmudg,waxaana wali socda baaritaanno iyo howgallo culus oo ay wadaan Ciidanku.

Wasaaradda amiga Maamulka Galmudug oo Qoraal soo saartay ayaa sheegtay in Ciidanka Huwanta ah ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ay iminka ku hareereeyeen ku dhawaad 60 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene, waxaana ay sheegeen in ay macquul tahay in xubnahaasi ay isi soo dhiibaan.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagus heegay in Ciidanka Dowladda iyo kuwa galmudug ay guulo ka gaareen howgalladii ay sameeyeen, waxaana ay inta ku dareen in Qiyaastii afar xabbo oo miino ah oo isugu jira kuwa Remote-ka ah iyo kuwa anti-taangiga ah ay kasoos aareen aagga Bacaadweyn iyo Camaara.

Howgalladaasi saaka billawday ayaa waxaa horkacaya Saraakiil sar sare oo labada dhinac ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Fiqi, Taliyaha Ciidamada lugta ah Gen. Biixi, Taliyaasha Ciidamada Qeybta 21aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, NISA, Gorgor, Danab iyo daraawiishta Galmudug.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu qolka hawlgelinta ka hagayo hawlgalkaasi.

Saaka ayay ahayd markii Ciidanka Galmudug ee ku sugan afafka hore Koontroolka Bacadweyn ay ku fashiliyeen gaari la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasi oo la sheegay in ay toogteen wadihii, sidaasna uu ku qarxay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories