HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Wararkii ugu dambeeyay Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Daad-gureynta ciiddan tiradooda dhan tahay 25,000 oo Askari ayaa ka bilaabantay dalkaasi, si ay u taageeraan Boliska oo culays kala kulmay Rabshadaha iyo Bililiqada hareeyey qeybo ka mid ah dalkaasi. Daad-gureynta Ciiddamadda ayaana ah tii ugu ballaarnayd ee dalkaasi, tan iyo markii la soo af-jaray Xukunkii Dadka caddaanka ee dalkaasi sanadkii 1994-kii. Ciiddanka Qaranka Koonfur […]

- Advertisement -

Daad-gureynta ciiddan tiradooda dhan tahay 25,000 oo Askari ayaa ka bilaabantay dalkaasi, si ay u taageeraan Boliska oo culays kala kulmay Rabshadaha iyo Bililiqada hareeyey qeybo ka mid ah dalkaasi.

Daad-gureynta Ciiddamadda ayaana ah tii ugu ballaarnayd ee dalkaasi, tan iyo markii la soo af-jaray Xukunkii Dadka caddaanka ee dalkaasi sanadkii 1994-kii.

- Advertisement -

Ciiddanka Qaranka Koonfur Afrika waxay kaloo u yeereen dhamaan 12,000 ee Ciiddankooda Kaydka, si ay uga qeyb noqdaan Hawlaha lagu soo celinayo Amarka iyo Kala-dambaynta.

Gaadiidka Gaashaaman, kuwa Xamuulka iyo Helikoptarada ayaa loo adeegsanay sidii Ciiddanka loogu daabuli lahaa Goballadda KuwaZuluNatala iyo Gauteng oo ah meelaha ugu badan ee ay colaaduhu ka dhaceen toddobaadkan.

Rabshadaha iyo Bililiqada ka socotay dalkaasi ayaa waxay bilowdeen, markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuuma lagu xukumay 15 bilood, kadib, markii uu ka biyo-diiday inuu Maxkamadda hor-tago.

- Advertisement -

Madaxweyne Zuuma waxaa lagu helay Musuqmaasaq dhacay, xilligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi muddadii u dhexeysay sanadihii 2009-kii ilaa 2018-kii.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ay maanta boob iyo bililiqo ka dhaceen Gobalka KuwaZulu Natal, halkasi oo dhowr Wershadood iyo Bakhaaro uu qiiq ka kacay, kadib, markii dab la qabadsiiyey

Weeraro kale ayey waxay maanta ka soo cusboonaadeen Xaruumaha laga Dukaamaysto ee Gobalka KuwaZulu Natal oo ah Gobalka uu ka soo jeedo Madaxweynaha xiran ee Jakob Zuuma ee Xarigiisu uu kiciyey Rabshadaha weli la xakamayn la’ yahay.

Latest stories