HomeCaalamkaDowladda Turkiga oo qorsheynaysa Tijaabinta Taangiyo Casri ah

Dowladda Turkiga oo qorsheynaysa Tijaabinta Taangiyo Casri ah

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bisha April tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay ee ah kuwa ugu casrisan ee adduunka lagu isticmaalo, kaasoo muddo sannado badan ay ay ku howlaneyd soo saaristiisa.

Ismaaciil Demir, oo ah madaxa warshadaha qalabka milatariga sameeya ee dalka Turkiga ayaa khudbad telefihsinka laga sii daayay Axaddii ku sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabin doono.

- Advertisement -

Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Matoorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dagaalka.

Latest stories