HomeCaalamkaUrurka Daalibaan oo toogasho ku dilay Ciidamo isku soo dhiibay

Ururka Daalibaan oo toogasho ku dilay Ciidamo isku soo dhiibay

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay 22 Ciiddamo Komandoos ah oo isku soo dhiibay ay si saf-mar ah ugu toogteen Degmadda Dawlat Abaad oo ka tirsan Gobalka Faryab ee Waqooyiga dalkaasi. Telefishinka CNN-ka Maraykanka ayaa sheegay inay Komaandooskaasi is-dhiibeen, kadib, markii ay dagaal la galeen Maleeshiyo ka tirsan Ururka Daalibaan meel ku dhow xuduudka ay Afganistan la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay 22 Ciiddamo Komandoos ah oo isku soo dhiibay ay si saf-mar ah ugu toogteen Degmadda Dawlat Abaad oo ka tirsan Gobalka Faryab ee Waqooyiga dalkaasi.

Telefishinka CNN-ka Maraykanka ayaa sheegay inay Komaandooskaasi is-dhiibeen, kadib, markii ay dagaal la galeen Maleeshiyo ka tirsan Ururka Daalibaan meel ku dhow xuduudka ay Afganistan la wadaagto dalka Turkemeistaan.

- Advertisement -

Telefishinka CNN waxa uu tilmaamay in dhowr Muuqaalo Video ah oo ay Baarayaasha xaqiijiyeen la soo bandhigay.

Saraakiisha Ururka Bisha Cas ee Afganistan waxay xaqiijiyeen in dib loo helay Maydadka Komaandooska la laayey.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ururka Daalibaan waxay beeniyey inay dileen Ciiddanka ay qabteen, isla markaana ay Dowladda Afganistaan baahiyeen Muuqalkaas been abuurka ah, si ay Ciiddamadda ugu dhiiri-geliyaan inaysan Ururka Daalibaan isku dhiibin

- Advertisement -

Afhayeenka Daalibaan waxa uu xusay inay weli hayaan 24 Askar Komaandoos ah oo ay ku qabteen Gobalka Faryab, balse, faahfaahin kale ma bixinin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts