HomeCaalamkaMuwaadiniin saarnaa Gaari Bas ah oo Qarax xoogan lala beegsaday

Muwaadiniin saarnaa Gaari Bas ah oo Qarax xoogan lala beegsaday

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ugu yaraan 10 qof oo 6 ka mid u dhasheen dalka Shiinaha ayaa lagu dilay qarax maanta lala beegsaday Bas marayey Gobalka Fog ee ku yaalla Bariga dalkaasi. Qaraxaasi waxaa kale ku dhintay 2 Askari oo Pakistaani ah, kuwaasi oo Ilaalo Khaas u ah Muwaadiniinta Shiineeska ee qaraxa lala beegsaday, Waxaa la la’ yahay raqdooda […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 10 qof oo 6 ka mid u dhasheen dalka Shiinaha ayaa lagu dilay qarax maanta lala beegsaday Bas marayey Gobalka Fog ee ku yaalla Bariga dalkaasi. Qaraxaasi waxaa kale ku dhintay 2 Askari oo Pakistaani ah, kuwaasi oo Ilaalo Khaas u ah Muwaadiniinta Shiineeska ee qaraxa lala beegsaday,

Waxaa la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda Injineer Shiinees ah iyo Askari u dhashay Pakistan.

- Advertisement -

Ma kala cadda haddii uu qraxaasi ahaa miino lagu aasay Wadada iyo in lagu rakibay Baska gudihiisa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Gobalka Hazzara ayaa u sheegay Wkaalladda Wararka REUTERSin Baska la qarxiyey ay la socdeen 30 Injineer oo Shiinees ah, kuwaasi oo Biyo-xireen ka dhisayey Deegaanka Sare ee Kokistaan.

Sarkaal kale oo ka tirsan Boliska oo la hadlay REUTERS waxa uu sheegay inay tirade dhimashada gaartay 13 qof oo 9 ka mid ah u dhasheen Shiinaha iyo 2 Askari oo ka tirsan Milliteriga Pakistan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, AfhayeenkaWasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Zahao Lijiyaan  waxa uu sheegay inay cambaaraynayaan Qaraxaas lala beegsaday Muwaadiniinta Shiinaha.

Afhayeenka oo Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda Pejing waxa uu Dowladda Pakistan ka codsaday baaritaanka weerarkaasi iyo in la ilaaliyo Ammaanka Shaqalaha Shiinaha, Hay’addahooda iyo Mashaariicda ay ka hirgelinayaan Pakistan.

Latest stories