HomeWararDFS iyo Talyaaniga oo kala saxiixday mashruuc ku kacaya 2 Milyan oo...

DFS iyo Talyaaniga oo kala saxiixday mashruuc ku kacaya 2 Milyan oo Dollar

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Khaliif Cabdi Cumar, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula iyo Madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia, ayaa maanta si wada-jir ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka (PSDP). Madasha lagu […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Khaliif Cabdi Cumar, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula iyo Madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia, ayaa maanta si wada-jir ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka (PSDP).

Madasha lagu daah-furay lagu-na saxiixayay mashruuca oo uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxa mashruuca ku baxaysa lacag dhan 2 Malyan oo dollar oo ay ku deeqday dawladda Talyaaniga.

- Advertisement -

Mashruucan, ayaa wuxuu ahmiyad gaar ah u lee yahay horumarinta qeybaha iyo hay’adaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka sida Beeraha, shaqo-abuurka, Kaluunka, taageerista hal-abuurka ganacsatada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si ganacsatadu ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin karto dalka dibaddiisa iyo guud ahaan horumarinta ganacsiga Soomaaliyeed.

Mashruucan ayaa waxaa hir-gelintiisa hoggaaminayso hay’adda UNIDO ee Soomaaliya, hay’adda FOA, iyo hay’adda ILO oo kaashanaya Wasaaradaha Ganacsiga, Beeraha iyo Kaluumaysiga iyo Shaqada.

Latest stories