HomeWararDilalka loogeysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo sii kordhay

Dilalka loogeysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo sii kordhay

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay dhalinyaro soomaaliyeed oo lagu dilay dalka koonur Afrika, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo aan ka helayno dilalkaasi loo gaystay Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ee ka mid ahaa dadka ku ganacsada dalkaasi.

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi loogu dilay, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Soomaali kale oo dalkaasi ku nool, iyadoo dhabshadaha dalkaasi ka socda ay sii xoogaysanayaan.

- Advertisement -

Ina badan Toban Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo gurmad ahaan ugu socday Dukaamo uu Soomaali ay leeyihiin oo ku yaalla Duleedka Durban ee Dalkani Koonfur Afrika, ayaa lagu rasseeyey Gaarigii ay saarnaayeen oo ahaa Caasi ay kireysteen.

Mahad Ciise Baadi iyo Sarjaan Cali ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Rabshadahaasi,waxaana sidoo kale jira dad kale oo ilaa hadda la la’yahay nolol iyo geeri, sidoo kale waxaa dilka barbar socda dhaca iyo bur-burinta lagu hayo ganacsiga Soomaalida, oo ilaa iyo hadda la boobay Dukaammo, halka kuwe kalena la gubay.

intaasi kadib haddana waxaa la sheegay in labo kale oo dhalinyaro h la dilay, waxaana lagu kala magacaabaa Maxamuud Qoojo iyo Goosaar Ganeey, taasi oo tirada guud ka dhigaysa afar ruux, sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno waxaa ay sheegayaan in Afar qof oo Soomaali ah lagu dhaawacay rabshadahaasi.

- Advertisement -

Tan iyo markii ay billawdeen Rabshadaha dalkaasi ayaa waxaa dhibaato ba’ani ay soo food saartay Soomaalida, oo markii hore dhibato gaar ah lagu hayay gudaha dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana hadda Magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi kasii xoogaystay Rabshadaha.

Madaxweynaha Dalkaasi Cyril Ramaphosa ayaa la filayaa in caawa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu jeediyo, waxaana uu Khudbaddiisa diiradda ku saari doonaa Qalalaasaha Iyo banaanbaxyada rabshadaha wata oo ay Tageerayasha Jacob Zuma ka wadaan gobolada KwaZulu-Natal iyo Gauteng, xili ay wali socdaan Rabshaduhu, boob baahsanna lagu hayo goobaha ganacsiyada dalkaasi.

Latest stories