HomeWararTaliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Buulo-burte iyo ujeedka safarkiisa

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Buulo-burte iyo ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil oo uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Ujeedka Socdalka Taliye Odawaa ee Buulo-burte ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dahfurka Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga oo laga dhigsay gudaha degmadaas, laguna qabanayo […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil oo uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedka Socdalka Taliye Odawaa ee Buulo-burte ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dahfurka Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga oo laga dhigsay gudaha degmadaas, laguna qabanayo Munaasabada xarig jarka.

- Advertisement -

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay taliyaha qeybta 27-aad Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedish) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo ku sugan degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale kulan la qaatan doona Taliska qeybta 27-aad, isagoona kala hadli doona amniga deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna ka qeyb galayaa daah-furta Xarunta Taliska qeybta 27-aad.

Latest stories