HomeWararRa'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo gaaray Magaalada Garbahaarey

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo gaaray Magaalada Garbahaarey

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goor dhow gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Jubbaland. Ra’iiusl Wasaare Rooble oo safarkiisa ku wehlinayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa waxaa Garoonka Garbahaarey kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kamid ah degmadaas iyo dadweyne farabadan. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goor dhow gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Ra’iiusl Wasaare Rooble oo safarkiisa ku wehlinayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa waxaa Garoonka Garbahaarey kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kamid ah degmadaas iyo dadweyne farabadan.

- Advertisement -

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dadaajinta arrimaha doorashada iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafkii ka jiray Gobolka Gedo, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Garbahaarey, Rooble ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda deegaanka iyo Arrimaha dib u heshiisiinta ka bilaabaya halkaas kala hadli doona Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Garbahaarey ayaa kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Maamulka degmadaas isku haaya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga degmada iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa ilaalada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Latest stories