HomeCaalamkaQarax weyn oo laga maqlay Magaalada Tehran

Qarax weyn oo laga maqlay Magaalada Tehran

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Iran ayaa sheegay in Waaberigii hore ee maanta oo Sabti ah Qarax weyn laga maqlay Waqooyiga Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Qaraxaasi waxa uu ka dhacay gudaha goob barxad ah oo lagu magacaabo Mellat Park, mana kala cadda waxa sababay Qaraxaasi oo aan Khasaaro geysanin.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Tehran, Xamiid Reza Godarzi oo u xil saaran Arrimaha Amniga oo la hadlay Wakaalladda Wararka Iran ee TASMIIN waxa uu sheegay inay wadaan Baaritan lagu ogaanayo waxa sababahay Shilkaasi, isla markaana ay soo gudbin doonan faahfaahinta, marka la hubiyo waxa uu ahaa qaraxaasi.

Weerarada iyo Qaraxyadda waa kuwo naadir ku ah dalkaasi, inkastoo tiro qaraxyo lala beegsaday Xarumaha Nukliyeerka iyo Xerooyinka Ciiddamada.

Dowladda Iran waxay ku eedeysay Israel dhowr weerar oo lala beegsaday goobaha Nukliyeerka, laguna dilay Khubaro qeyb ka ahaa Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

- Advertisement -

Qaraxa saakayto ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Tehran waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii Burcada Internetka carqaldeeyeen Nidamka Adeegyada Tareenada ee dalkaasi.

Hawlaha Tareenada waxa ku yimid dib-u-dhac, halka la kansal gareeyey Xafiisyada lagu iibiyo Tikidhada, waxaana la arbushay Adeegyadii Xamuulka iyo Websaytka Hay’adda Tareenada ee Iran.

Latest stories