HomeCaalamkaMilkiile loo xiray shaqaale badan oo ku geeriyooday Warshad uu lahaa

Milkiile loo xiray shaqaale badan oo ku geeriyooday Warshad uu lahaa

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Boliska dalka Bangaladesh waxay maanta Xabsiga dhigeen 8 qof oo uu ka mid ahaa Milkiilihii lahaa Wershad ay Khamiistii la soo dhaafay ku geeriyoodeen ugu yaraan 52 shaqaale ah.

Sarkaal u hadlay Boliska ayaa sheegay in Milkiilaha lagu soo oogi doono Eedeymo la xiriirta dabka ka kacay Wershadooda ee sababay dhimashada ugu yaraan 52 shaqaale oo badankooda ku xanibmay Albaab dhexda ku yaallay oo xirnaa.

- Advertisement -

Dabku waxa uu Habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka kacay Dhismaha Wershadda Cuntada Farsamaysa ee Hashim Foods Limited oo ku taalla Deegaanka Rubganj oo 15 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Bangaladesh, Asaduzman Khaan oo maanta booqday Wershadda lagu le’day waxa uu tilmaamay in dadka la xiray uu ka mid yahay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Maareynta ee Kooxda Sajeeb oo iyagu leh Wershadaasi.

Latest stories