HomeWararFaah faahin:-Hoobiyeyaal kusoo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada

Faah faahin:-Hoobiyeyaal kusoo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay tirro hoobiyeyaal ah oo fiidnimadii Caawa kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Jugta ilaa iyo lix Madfac ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay Hotelka Muna oo u dhow Beerta nabada, isla markaana Kaabiga ku haayo Madaxtooyada.

Sidoo kale dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Madaafiicda ku dhaceen agagaarka Iskuulka Raage Ugaas, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Caawa kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyadda dalka iyo halka laga soo tuuray, iyadoona jugtooda laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir

Dowladda ayaan welin ka hadlin weerarka Madaafiicda ahaa, waxaana xusid mudan in falkaan uu kusoo aaday, iyada oo maanta Qarax Is-miidaamiin ah lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, balse uu ka badbaaday, sidoo kalena uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories