HomeCaalamkaQarax ka dhacay Deked ku taalla dalka Imaaraadka Carabta

Qarax ka dhacay Deked ku taalla dalka Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Saacadihii hore ee saakayto oo Khamiis ah ayaa waxa uu dab iyo qarax ka kacay Markab xamuul oo ku sugnaa Dekedda Jebel Cali oo ku taalla Koonfurta magaalladda Dubai. Xafiiska Warbaahinta ee Dowlad-gobaleedka Dubai ayaa sheegay inay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen daminta dabka ka kacay Markab nooca Kontaynarada xambaara, mana kala cadda waxa sababay qaraxaasi. […]

- Advertisement -

Saacadihii hore ee saakayto oo Khamiis ah ayaa waxa uu dab iyo qarax ka kacay Markab xamuul oo ku sugnaa Dekedda Jebel Cali oo ku taalla Koonfurta magaalladda Dubai.

Xafiiska Warbaahinta ee Dowlad-gobaleedka Dubai ayaa sheegay inay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen daminta dabka ka kacay Markab nooca Kontaynarada xambaara, mana kala cadda waxa sababay qaraxaasi.

- Advertisement -

Dekedda Jebel Ali Port waa Dekedda ugu mashquulka badan Dekedaha ku yaalla Bariga Dhexe, waxayna xarun u tahay 8,000 oo Shirkado Ganacsi.

Dadka Deegaanka waxay maqleen Qarax weyn, kaasi oo ruxay dhismayaal dhowr Kiilomitir ka fog Dekedda Jebel Cali.

Muuqaalo la soo bandhigay Baraha Bulshadda ayaa muujinaya Dab ka kacay Markab taagnaa Dekedda, iyadoo qaraxaasi uu ruxay Dhismooyin ku yaalla meel 25 Kiilomitir u jirta Dekedda Jebel Cali.

- Advertisement -

Maamulka Dekedda DP World ee gacanta ku haya Dekedda Jebel Ali weli qoraal rasmi ah kama soo saarin Qaraxaasi.

Latest stories