HomeCaalamkaCalooshood u shaqeystayaal ka dambeeyay dilka Madaxweynihii Haiti oo la toogtay

Calooshood u shaqeystayaal ka dambeeyay dilka Madaxweynihii Haiti oo la toogtay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Booliska dalka Haiti ayaa dilay afar “calooshood u shaqeystayaal” oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka madaxweyne Jovenel Moise, ayaga oo laba kalena xabsiga dhigay. Booliska ma aysan shaacin xogta dadkan iyo sababta ay u weerareen guriga Moise ee magaalada caasimadda ah Port-au-Prince, halkaasi oo sidoo kalena ay ku dhaawaceen xaaskiisa, Arbacadii. Madaxa booliska qaranka […]

- Advertisement -

Booliska dalka Haiti ayaa dilay afar “calooshood u shaqeystayaal” oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka madaxweyne Jovenel Moise, ayaga oo laba kalena xabsiga dhigay.

Booliska ma aysan shaacin xogta dadkan iyo sababta ay u weerareen guriga Moise ee magaalada caasimadda ah Port-au-Prince, halkaasi oo sidoo kalena ay ku dhaawaceen xaaskiisa, Arbacadii.

- Advertisement -

Madaxa booliska qaranka Haiti Leon Charles ayaa sheegay in weli ay baxsad yihiin xubno kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay.

“Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay, laba kalena waa lasoo qabtay oo gacanta ayaan ku haynaa. Saddex boolis oo na laga afduubtayna waa lasoo badbaadiyey,” ayuu yiri Charles.

Weerarka ayaa abaare 1:00 am ka dhacay guriga gaarka ah ee madaxweyne Moise.

- Advertisement -

Garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Latest stories