HomeWararMareykanka oo Maanta Gaadiid ku wareejiyay Dowladda Somalia

Mareykanka oo Maanta Gaadiid ku wareejiyay Dowladda Somalia

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliska Ciidanka dowladda Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa Maanta gaadiid nooca gaashaaman ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee Dowladda. Gaadiidkaan oo loogu tala-galay inay adeegsadaan Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska  Xoogga dalka ee DANAB ayaa waxaa Taliska AFRICOM kala wareegay Taliye Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka dowladda Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa Maanta gaadiid nooca gaashaaman ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee Dowladda.

Gaadiidkaan oo loogu tala-galay inay adeegsadaan Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska  Xoogga dalka ee DANAB ayaa waxaa Taliska AFRICOM kala wareegay Taliye Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo Ciidan.

- Advertisement -

Saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda wareejinta gaadiidka oo ka dhacday Muqdisho.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo Munaasabada ka hadlay ayaa marka horey u mahadceliyay Taliska AFRICOM, isagoona sheegay in gaadiidkaan ay u adeegsadan Ciidanka DANAB howlgalada ka socda dalka.

Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ka taageera dhinaca tababarada Ciidanka iyo sahayda, isla markaana waxaa Ciidanka Mareykanka ay ka qeyb qaateen howlgalo ka dhaqan ahaa Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

Latest stories