HomeWararMaamulada Koonfur Galbeed iyo Kaduuna ee Nigeria oo heshiis kala saxiixday

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Kaduuna ee Nigeria oo heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Caasimadda Abuuja ayaa Maanta kulan la qaatay dhiggiisa Kaduuna ee Nigeria Maalam Naasir Axmed. Kulanka ayaa markii hore ku saabsanaa is xog-wareysi ah ku aadan labada dhinac iyo sidii wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Maamulada Koonfur Galbeed iyo kan Kaduuna ee dalka Nigeria. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Caasimadda Abuuja ayaa Maanta kulan la qaatay dhiggiisa Kaduuna ee Nigeria Maalam Naasir Axmed.

Kulanka ayaa markii hore ku saabsanaa is xog-wareysi ah ku aadan labada dhinac iyo sidii wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Maamulada Koonfur Galbeed iyo kan Kaduuna ee dalka Nigeria.

- Advertisement -

Kulanka kadib Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Maalam Naasir Axmed ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo ku leysan dhinacyo kala duwan oo la isku afgartay.

Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kan Gobolka Kaduuna ee dalka Nigeria ayaa ku heshiiyay Arrimo ay kamid yihiin wadashaqayn, Iskaashi iyo mataaneyn labada dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa booqasho ku tagay dalka Nageria, kadib markii casuumad rasmi ah uu ka helay dhigiisa Maamulka Kaduuna ee dalkaas.

Latest stories