HomeCaalamkaGurmad xoogan oo lagu baadi-goobayo Diyaarad la la' yahay oo socda

Gurmad xoogan oo lagu baadi-goobayo Diyaarad la la’ yahay oo socda

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Diyaarad ay la socdeen 28 qof ayaa laga baadi-goobayaa Bariga Fog ee dalka Raashiya, kadib, markii Diyaaradaasi laga waayey Shaashadaha Raadaarka lagala socdo Duullimaadka Diyaaradaha. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa ANTINOV 26 waxaa la waayey, xilli ay isaga kala gooshaysay magaallooyin ku yaalla Gacn-biyoodka Kamajatka ee dalkaasi. Wakaalladda Gaadiidka Cirka ee dalkaasi ayaa sheegtay iny Cimilada aad u […]

- Advertisement -

Diyaarad ay la socdeen 28 qof ayaa laga baadi-goobayaa Bariga Fog ee dalka Raashiya, kadib, markii Diyaaradaasi laga waayey Shaashadaha Raadaarka lagala socdo Duullimaadka Diyaaradaha.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa ANTINOV 26 waxaa la waayey, xilli ay isaga kala gooshaysay magaallooyin ku yaalla Gacn-biyoodka Kamajatka ee dalkaasi.

- Advertisement -

Wakaalladda Gaadiidka Cirka ee dalkaasi ayaa sheegtay iny Cimilada aad u xumayd, xilligii ay Diyaaradda ku degi lahayd Garoonka magaalladda Palana. Ceeryaamo iyo caad huwaan ah ayaana wada qariyey dhamaan Buuraha ku teedsan magaalladaasi.

Ra’isul-wasaaraha dalka Raashiya, Mikha’iil Mishustin ayaa magacaabay Guddi Khaas ah oo loo xil-saaran baaritaanka dhacdada ku gedaaman Diyaaradda la la’ yahay.

Guutada Ciiddanka Badda ee ku sugan Badweynta Pacific ayaa qeyb ka ah Baaritaanka, iyadoo ay Diyaarado iyo Maraakiibta Badda quusta ee Gujiska qeyb ka yihiin baadi-goobka Diyaaradda lagu la’ yahay Bariga Fog ee dalkaasi.

- Advertisement -

Diyaaraddaasi waxaa ay ahayd mid shaqeynaysay tan iyo sanadkii 1982-kii, sida laga soo xigtay Madaxa Shirkadda leh Diyaaradaasi.

Latest stories