HomeWararSawirro:-Rag burcad ah oo lagu qabtay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Sawirro:-Rag burcad ah oo lagu qabtay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dhac ka geysanayay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir. Ciidanka Booliska oo howlgalka sameeyay ayaa kusoo qabtay burcada oo tiro ahaan gaareysay 4 ruux, isla markaana xiligii la qabnayay u dhac u geysanayay dad […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dhac ka geysanayay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidanka Booliska oo howlgalka sameeyay ayaa kusoo qabtay burcada oo tiro ahaan gaareysay 4 ruux, isla markaana xiligii la qabnayay u dhac u geysanayay dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Jamhuuriya iyo xaafado kale oo Kaaraan ah.

- Advertisement -

Ragga oo watay qoryaha AK-47 ayaa waxaa ay dadka uga qaadanayeen Teleefoono iyo waxyaabo kale, waxaana haatan lagu xiray Saldhiga degmada, iyadoona Maamulka uu sheegay in burcadan sharciga la horgey doono.

Sidoo kale Maamulka degmada Kaaraan ayaa tilmaamay in howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcada hubeysan ee dhaca u geysta dadka shacabka ah ay kasoo wadi doonaan gudaha degmadaas, isla markaana la soo qaban doono.

Ciidanka Booliska dowladda ayaa howlgalo ay horey uga sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir sidaan oo kale ugu soo qabtay Burcad hubeysan oo dad ka qaatay Teleefoono, waxaana muddooyinkii Muqdisho kusoo batay dhaca loo geysanayo shacabka.

- Advertisement -

Latest stories