HomeCaalamkaMareykanka oo beeniyey in la Duqeeyey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidankooda

Mareykanka oo beeniyey in la Duqeeyey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidankooda

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa beenisay in saqdii dhexe ee xalay la duqeeyey Fariin ay Ciiddankooda ku leeyihiin Bariga dalka Syria.

Afhayeenka Taliska Milliteriga Maraykanka, Kolonel Wayne Marotto ayaa beeniyey in Ciiddankaasi la weeraray, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay Warar horey loogu sheegay in 2 Gantaal lagu duqeeyey Fariisinka Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan  goobta shidaalka laga soo saaro ee Al-Cumar ee Gobalka Dayr El-Zuur ee Bariga dalka Syria.

- Advertisement -

Beenintaasi ayaa soo baxday, kadib, markii ay  Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria sheegtay in Dagaalamayaal taageersan Iiraan oo ku sugan Deegaanka Mayadeen ee Gobalka Dayr El-Zuur gantaalo ku weerareen Saldhiga Maraykan oo aan ka fogeyn.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka u faafisa Syria ee SANA ayaa soo werisay in 2 Gantaal lagu duqeeyey fariisinka Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin goobta shidaalka laga soo saaro ee Al-Cumar.

Duqeyntaasi ayaa timid 6 maalmood kadib, markii Duqeyn lala beegsaday Ciiddanka Maraykanka ee ku sugn Bariga Syria.

- Advertisement -

Boqolaal Askar Maraykanka ayaa ku sugan W/Bari ee dalka Syria, kuwaasi oo gacan siiya Maleeshiyada isku magacowda Ciiddanka Dimquraadiga Syria ee dagaalka kula jirtay Kooxda Daacish.

Latest stories