HomeCaalamkaXasan Ruuxaani oo raali-gelin ka dalbaday Dowladda Mareykanka

Xasan Ruuxaani oo raali-gelin ka dalbaday Dowladda Mareykanka

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee Iran Xasan Ruuxaani ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka raalli-gelin ka bixiyaan Diyaaradii Rakaabka ee ay hawada ku toogteen bishii July 3-deedii ee sanadkii 1988-dii.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Airbus A300 ayaa waxaa Gantaal la beegsaday Markab Dagaal oo ay Maraykanka lahaayeen oo ka shakiyey Diyaaradda inay fulin lahayd weerar Ismiidaamin ah.
Dhamaan Muslimiinta 290-kii qof ee Rakaabka ahaa waxay ku wada geeriyoodeen Shilkaaasi, iyadoo Diyaaradda isaga kala gooshaysay magaallooyinka Tehraan iyo Dubai.
Askartii toogtay Diyaaradaas ayaa la sheegay in xilligaasi lagu abaal mariyey Toogashadaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka weli kama aysan jawaabin hadal uu Madaxweynaha Iran ku dalbaday inay raalli-gelin ka bixiyaan Shilkaas lagu hoobtay.

Latest stories