HomeWararGalmudug oo ka hadashay dagaalkii khasaaraha geystay ee Tuula-xaayow

Galmudug oo ka hadashay dagaalkii khasaaraha geystay ee Tuula-xaayow

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qarow ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaan hoostega Dhuusamareeb.

Geedaqarow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab uusan weli dhammaan, isla markaana deegaanada Maamulka Galmudug uu kasii socon doono, isagoo boggaadiyay Ciidanka saakay dagaalka la galay Shabaab.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Dhuusamareeb in dhaawacyada Askarta ee dagaalkii ka dhacay degaanka Tuula-xaayow loo soo qaadi oono dhanka Magaalada Muqdisho, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa sheegay inay Al-shabaab dagaalka uga dileen in ka badan 10-xubnood, isla markaana ay ka qaateen hub ay waateen, waa sida hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada qeybta 21-aad ee Xoogga dalka.

Sidoo kale Ciidanka Dowladda ayaa waxaa la sheegay in dhankooda la gaarsiiyay khasaaro oo laga dilay Askar, waxaana xusid mudan in Isbitaalka Dhuusamareeb la geeyay tobaneeyo qof oo dhaawac ah.

Si kastaba Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda ayaa horey ugu dagaalamay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ka dhacay sidoo kale weeraro geystay khasaaro oo Shabaabka la eegteen Ciidanka Xoogga dalka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories