HomeWararDagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda Galgaduud

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda Galgaduud

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda degaan u dhexeeya Magaalada Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee Gobolka Galagduud. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad oo howlgal qorsheysan ka […]

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda degaan u dhexeeya Magaalada Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee Gobolka Galagduud.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad oo howlgal qorsheysan ka waday degaanka Tuula-xaayow ee Galagduud.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana howlgalka uu sii socon doono, kaasi oo tilmaameen in lagu xaqiijinayo amniga.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socday deegaanka Tuula-xaayow ee ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee Gobolka Galagduud.

Dhawaan ayey markii Al-shabaab weerar khasaaro geystay ku qaadeen degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo dhexmaray Ciidanka Galmudug, dadka iyo Al-shabaab.

Latest stories