HomeCaalamkaCiidamo ku le'day Shil diyaaradeed oo dhacay iyo Xog laga helay

Ciidamo ku le’day Shil diyaaradeed oo dhacay iyo Xog laga helay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Faahfaahin ka soo baxayso Diyaarad Milliteri oo ku burburtay dalka Filibiin Ugu yaraan 17 Askari ayaa ku geeriyootay, 40 kalena waxaa la dhigay Isbitaalka,  kadib, markii ay Diyaarad Xamuul oo nooceedu ahaa C-130  Hercules saakayato ku burburtay Jesiiradda Jolo ee Koonfurta dalkaasi. Wasiirka Difaaca ee Filibiin,  Delfin Lorenzana ayaa sheegay inay 92 Askari, 3 Duuliye […]

- Advertisement -

Faahfaahin ka soo baxayso Diyaarad Milliteri oo ku burburtay dalka Filibiin

Ugu yaraan 17 Askari ayaa ku geeriyootay, 40 kalena waxaa la dhigay Isbitaalka,  kadib, markii ay Diyaarad Xamuul oo nooceedu ahaa C-130  Hercules saakayato ku burburtay Jesiiradda Jolo ee Koonfurta dalkaasi.

- Advertisement -

Wasiirka Difaaca ee Filibiin,  Delfin Lorenzana ayaa sheegay inay 92 Askari, 3 Duuliye iyo 5 shaqaale la socdeen Diyaaradaasi oo ku burburtay Tuulladda Bangkal ee Degmadda buuraleyda ee Patikul.

Diyaaradda waxay ku wajahnayd Jesiiradda Jolo oo 1,000 KM dhanka Koonfureed kaga toosan caasimada dalkaasi ee Manila.

Ma cadda waxa sababay burburka, iyadoo Wararka sheegayaan inuu Duuliyihii seegay ama ka habaabay inuu Diyaaradda ku dejiyo Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee Garoonka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Filibiin, Jeneral  Kiriliti Sobejana waxa uu sheegay inay Diyaaradda Ciiddan u soo daad-guraysay Degmadda buuralayda ee  Kagayan De Ora oo u dhow Deegaanada ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Abu Sayaaf ee Halganka ugu jira sida ay Maamul ugu helaan Jesiiradda Jolo oo ay deggan yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Diyaaradda C 130 Hercules ee  ku burburtay Koonfurta Filibiin waxay ka mid ahayd 2 Diyaaradood oo noocaasi oo ay Ciiddanka Maraykanka ugu deeqeen dalkaasi bilowgii sanadkan.

Latest stories