In ka badan 700 oo qof ayaa la xaqiijiyey inay Kulayl Daran ugu geeriyoodeen Gobalka British Kolombiya ee dalkaasi.
Warbixinta ayaa la sheegay inay 719 qof geeriyoodeen muddadii u dhexeysay bishii la soo dhaafay ee June 25-dii ilaa bishan July kowdeedii.
Kulaylka hanfida leh waxa sababay dab qabsaday Kaymaha, iyadoo Heer-kulka cimilada uu gaaray 49.6 Digirii Sentigaredh.
