HomeWararSafaaradda Somalia ee Kenya oo dib loo furay iyo Safiirka oo ka...

Safaaradda Somalia ee Kenya oo dib loo furay iyo Safiirka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xarunta Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa rasmi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay Somalia iyo Kenya. Safiirka dowladda Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay Munaasabadda dib u furista Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib […]

- Advertisement -

Xarunta Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa rasmi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.

Safiirka dowladda Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay Munaasabadda dib u furista Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib u furista Safaaradda, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii labada dowladood ka dhex jiray.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Safiir Tarsan in Safaaradda inay dib u bilaabeyso shaqooyinka ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya, isla markaana xiriirka ka dhexeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo si fudud u kala go’i karin.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa Carabka ku dhuftay in maalinta Isniinta ee soo socota ee todobaadkan ay rasmi ah u bilaaban doonaan shaqooyinka ay Safaaradda Kenya u heysay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay shacabka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Muddo ku dhow 6 bilood oo xiriir ah ayaa waxaa xumaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, hayeeshee labada dowladood ay dib u celiyeen xiriirka, isla markaana xal laga gaaray khilaafkii jiray, dibna u furay Safaaradahooda ee Muqdisho iyo Nairobi.

Latest stories