HomeCaalamkaAbiy Ahmed "Mekelle hadda nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii...

Abiy Ahmed “Mekelle hadda nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii hore”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda” intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah. “Marka aan militari ahaan u eegno Mekelle, nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii aan halkaas tageynay,” ayuu yiri Abiy oo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda” intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah.

“Marka aan militari ahaan u eegno Mekelle, nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii aan halkaas tageynay,” ayuu yiri Abiy oo hadallo uu jeediyey uu baahiyey xafiiskiisa, Arbacadii.

- Advertisement -

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bacha Debele ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada ee Mekelle looga dan lahaa “in gargaar lasiiyo” shacabka – hase yeeshee tallaabadaas deg deg looga laaban karo.

“Haddii ay na daan-daansadaan, maanta ayaan ku laaban karnaa Mekelle. Si kastaba, burburka wuu ka xumaan doonaa sidii hore,” ayuu yiri Bacha oo ah sarkaal sare oo ku lug lahaa howlgalka Tigray.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigray, ayaa AFP u sheegay Isniintii in qabsashadooda Mekelle ay ka dhigan tahay guul militari, isaga oo yiri “Qeybtii ugu xoogganeyd Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia gebi ahaan waa la burburiyey.”

- Advertisement -

Hase yeeshee Redwan Hussein, oo ah afhayeenka howlgalka dowladda, ayaa ka bixitaanka Mekelle ku qeexay mid xeeladeysan.

Latest stories