HomeWararWadaad muddo 21 sano ah Imaam ka ahaa Boosaaso oo lagu dilay...

Wadaad muddo 21 sano ah Imaam ka ahaa Boosaaso oo lagu dilay Koofur Galbeed

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku warramaya in Halkaasi xalay lagu dilay Nin Wadaad ah iyo walaalkiis, kadib markii koox hubeysan ay dilka fuliyeen sida wararku sheegayaan. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan, waxaana muddo 21 sano ah uu Imaam […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku warramaya in Halkaasi xalay lagu dilay Nin Wadaad ah iyo walaalkiis, kadib markii koox hubeysan ay dilka fuliyeen sida wararku sheegayaan.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan, waxaana muddo 21 sano ah uu Imaam iyo mu’addin ka ahaan jiray Masaajid ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland, waxaana la sheegay in dhowaan uu fasax uga baxay magaalada Boosaaso, islamarkaana safar u aaday degaannada Koonfur Galbeed, waxaana xalay lagu dilay nawaaxiga Baydhabo.

- Advertisement -

Macallin Cali Bashiir Xasan ayaa si weyn looga yaqaannaa Magaalada Boosaaso, waxaana uu si gaar ah imaam iyo mu’addin uga ahaa Masjidka Al-Nawaawi ee Boosaaso.

Ma jirto wax faah faahin intaa dheer oo ilaa hadda laga helay dilka Macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan, sidoo kale laamaha ammaanka Koonfur galbeed kama hadlin, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda dilkaasi.

Latest stories