HomeCaalamkaDowladda Ethiopia oo sheegtay in ciidankeeda ay dib u geli karaan Mekelle

Dowladda Ethiopia oo sheegtay in ciidankeeda ay dib u geli karaan Mekelle

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo, laba maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada TPLF. Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo.   Waa hadalkii […]

- Advertisement -

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo, laba maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada TPLF.

Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo.

- Advertisement -

 

Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay qabsadeen xoogagga Tigray-ga.

“Ethiopia waxay u baylahan tahay weerar kaga yimaada shisheeeye, sababo la xiriira dagaalka,” ayuu yiri Redwan Hussein, ayada oo ay u muuqato inuu ula jeedo Sudan.

- Advertisement -

Afhayeenka jabhadda TPLF Getachew Reda ayaa talaadadii u sheegay Reuters in xabad-joojinta ay dowladda ku dhowaaqday ay aheyd “kaftan”.

 

Redwan ayaa xabad-joojinta ku qeexay go’aan siyaasadeed “oo loo qaatay sababo bani’adaannimo”.

“Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.

Hadalka Redwan ayaa imanaya ayada oo hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ay wacad ku mareen inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekelle.

“Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Latest stories