HomeWararShirka Madaxda Dowladda iyo maamul Goboleedyada oo maalintii 2-aad galay

Shirka Madaxda Dowladda iyo maamul Goboleedyada oo maalintii 2-aad galay

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira oo shalay ka furmay Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galaya maalintii labaad.

Shirkaan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashada dalka.

Madaxda ayaa shalay inta uu socday Shirka isaga xog-wareystay waxyaabaha u qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen, kadib heshiiskii la gaaray.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa Maanta sii amba qaadi doona qodobada kale ee muhiimka u ah dardar-gelinta heshiiskii laga gaaray qabsoomida doorashada dhaceysa.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Shirka ay ka qeyb geli doonaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, kuwaasi oo tababar ku saabsan howlaha doorashada uga socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka ka furmay Teendhada Afiysooni ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiye Cumar Finish, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo qadka ZOOM-ka uga qeyb galaya.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories