HomeCaalamkaDuqeyn lala beegsaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Mareykan ah  

Duqeyn lala beegsaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Mareykan ah  

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Kooxaha Hubeysan ee ay Dowladda Iran taageerto ayaa la sheegay inay Tacshiirad isweydaarsadeen Ciiddanka Isbahaysiga Maraykanka ku sugan Bariga dalka Syria. Afhayeenka Isbahaysiga Maraykanka, Kolonel Wayne Marotto ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciiddankooda madaafiic lagu soo weeraray, kaasi oo aan wax khasaaro ah geysanin, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray inay […]

- Advertisement -

Kooxaha Hubeysan ee ay Dowladda Iran taageerto ayaa la sheegay inay Tacshiirad isweydaarsadeen Ciiddanka Isbahaysiga Maraykanka ku sugan Bariga dalka Syria.

Afhayeenka Isbahaysiga Maraykanka, Kolonel Wayne Marotto ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciiddankooda madaafiic lagu soo weeraray, kaasi oo aan wax khasaaro ah geysanin, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Madaafiic ku duqeeyeen goobihii laga  soo weeraray.

Warbaahinta Dowladda Syria ee SANA waxay soo werisay in Gantaallo lala beegsaday Saldhiga Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Deegaanka Al-Omar ee ay Ceelasha Shidaalka ku yaallaan.

Dhinaca kale, Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria oo uu Fadhigooda Dhexe ku yaallo dalka UK waxay sheegeen in Kooxaha Hubeysan ee ay Dowladda Iran taageerto ay dhowr Gantaal la beegsadeen goobjaha shidaalka ee Bariag Syria, halkaasi oo  ay Maraykanka ku leeyihiin Saldhig Milliteri.

- Advertisement -

Duqeymahaasi waxaa la sheegay inay geysteen Khasaaro, sida laga soo xigtay Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria.

Latest stories