HomeCaalamkaMasar oo joojisay wada-xajoodkii Diblomaasiyadeed ee Turkiga + sababta

Masar oo joojisay wada-xajoodkii Diblomaasiyadeed ee Turkiga + sababta

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri ayaa sheegay in xilligan la joojiyey Wada-xaajoodkaasi, isla markaana uusan jirin Wafdi Masaari ah oo ku wajahan dalkaasi.

Wasiirka oo Wareysi siiyey TV Maxali ah waxa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin wax Taariikh Rasmi ah oo ay labada Dowladood dib ugu eegi doonaan Xiriirkooda Diplomaasiyadeed.

- Advertisement -

“Waxaan rajeynaynaa in Xiriirka labada dal asaas u noqdo qoddobada waa weyn ee Deganaanshaha Xiriiradda Caalamiga, Faragelin La’aanta Arrimaha Gudaha iyo Deris Wanaaga” ayuu yiri Wasiir Samiix Shukri.

Waxa uu intaasi ku daray inaan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaq kasta oo dhul Dowladeed oo loo adeegsanayo Deganaansho La’aanta dal kale.

Wasiirka waxa uu si kulul u naqdiyey La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga, Yaasiin Aktay, kaasi oo dhaliilay Qawaaniinta Dowladda Masar ee ka dhanka ah Hoggaamiyayaasha iyo xubnaha Ururka Akhwaanul-Muslimiinka ee Masar laga mamnuucay.

- Advertisement -

Maqaal uu La-taliyaha Madaxweyne Erdogan dhawaan ku qoray Wargeyska Turkishka ee YENI SAFAK waxa uu ku soo hadal-qaaday Sanad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay waxa uu ugu yeeray Afgembiga Milliteri ee Masar ka dhacay.

Inkastoo uu Xiriirka Masar iyo Turkiga uu mar kale xumaaday, haddana waxaa socday Isku-day Diplomaasiyadeed oo lagu hagaajin lahaa Xurgufta ka dhex aloosan, iyadoo Wafdi Turkish ah ay Qaahiar booqdeen bishii la soo dhaafay ee May 5-dii ilaa 6-dii, kadib, markii ay Dowladda Masar ka heleen Casuumaad Rasmi ah.

Latest stories