HomeCaalamkaKooxda Daalibaan oo Go’aan Culus ka qaadatay Milliteriga Mareykanka

Kooxda Daalibaan oo Go’aan Culus ka qaadatay Milliteriga Mareykanka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Afhayeenka Daalibaa, Suhayl Shahiin ayaa sheegay inay ka fal-celin doonaan haddii ay Ciiddanka Maraykanka ku sii nagaadaan Afganistan marka la gaaro bisha September 11-da ee sanadkan. Wareysi uu siiyey Telefishina Al Jaziira waxa  uu tilmaamay inuu Heshiiskii ay Maraykanka iyo Daalibaan ku gaareen caasimadda Qatar ee Doha bishii Feberaayo ee sanadkii hore uu dhigayey in Ciiddankaasi la […]

- Advertisement -

Afhayeenka Daalibaa, Suhayl Shahiin ayaa sheegay inay ka fal-celin doonaan haddii ay Ciiddanka Maraykanka ku sii nagaadaan Afganistan marka la gaaro bisha September 11-da ee sanadkan.

Wareysi uu siiyey Telefishina Al Jaziira waxa  uu tilmaamay inuu Heshiiskii ay Maraykanka iyo Daalibaan ku gaareen caasimadda Qatar ee Doha bishii Feberaayo ee sanadkii hore uu dhigayey in Ciiddankaasi la daad-gureyn doono ugu dambeyn  bisha September 11-da ee sanadkan 2021-ka.

- Advertisement -

Hadalka Afhayeenka ayaa u muqda inuu Jawaab-celin u ahaa hadal ay Saraakiil Maraykan ah ku sheegeen  inay 650 Askar Maraykan ah ku hari doonaan Afganistan, si ay u sugaan ammaanka Diplomaasiyiinta Maraykanka ku sugan gudaha dalkaasi.

Madaxweyne Joe Biden waxa uu horey u amray in Daad-gureynta Ciiddankaasi la soo dhamaystiri doono bisha soo socota ee July 4-da, halka ay dhamaan Ciiddanka kale oo ay ku Jiraan 7,000 oo ka socota Isbahasiga NATO ka bixi doonaa Afganistan bisha  September 11-da ee sanadkan.

Latest stories