HomeWararDib u dhac ku yimid Shirkii Maanta ee Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Dib u dhac ku yimid Shirkii Maanta ee Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa Maanta oo sabti lagu waday inuu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ka furmo Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyda, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid Shirkaas oo la filayay inuu furmo. Sababta keentay dib u dhaca Shirka Madaxda ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada aysan weli […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti lagu waday inuu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ka furmo Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyda, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid Shirkaas oo la filayay inuu furmo.

Sababta keentay dib u dhaca Shirka Madaxda ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada aysan weli soo gaarin Muqdisho, waxaana kaliya ku sugan Caasimadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen shalay yimid.

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaan weli imaan Caasimadda dalka, halka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka Turkiga.

Shirka Madaxda ayaa sida uu qorshahu yahay looga hadli doonaa markii furmo dardar-gelinta heshiiskii 27-kii May 2021 laga gaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhaceysa, kadib markii ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa doorashada.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa dhawaan kulan ay qadka ZOOM-ka ku yeesheen isku raacay in Maanta oo sabti ah Magaalada Muqdisho uu ka furmayo Shirka, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, lamana oga waqtiga uu furmayo

Latest stories