HomeCaalamkaMareykanka oo Hawada ka saaray Websaytyo laga leeyahay Iiraan

Mareykanka oo Hawada ka saaray Websaytyo laga leeyahay Iiraan

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Wasaaradda Caddaladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawada ka saareen 33 Shabakado Warar ama Websaytyo oo xiriir la leh Dowladda Iran, isla markaana lag baahin jirey Warar Been Abuur ah, waa sida hadalka loo dhigay. Qoraal ka soo baxay Waaxyaha Garsoorka iyo Ganacsiga ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay gacanta ku dhigeen Websayto ay leeyihjiin Ururka […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caddaladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawada ka saareen 33 Shabakado Warar ama Websaytyo oo xiriir la leh Dowladda Iran, isla markaana lag baahin jirey Warar Been Abuur ah, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraal ka soo baxay Waaxyaha Garsoorka iyo Ganacsiga ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay gacanta ku dhigeen Websayto ay leeyihjiin Ururka Idaacadaha iyo Telefishinka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran, oo ay Dowladda Maraykanka horey u calaamadaysteen bishii October ee sanadkii hore ee 2020-kii.

- Advertisement -

Saraakiisha Maraykanka waxay ku eedeeyeen Warbaahinada la xayiray horey u baahiyeen Warar aan Xaqiiqo ahayn oo ku aadanaa Marin-hjabaabinta Doorashadii Madaxtinimada Maraykanka ka dhacday dabayaaqadii sanadkii hore.

Dhinaca kale, Maraykanka waxay sheegeen inay xayireen 3 Websayt oo ay Ururka Xisbullaahi Lubnaan leeyihiin iyo Telefishinka Al-Masiirah ee Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Websaytyada la xayiray oo ay ka mid yihiin PRESS TV, AL-ALAM TV, AL-MASIIRAH TV ayaa hawada ka maqan, waxayna Wakaalladda Rasmiga ee Wararka u faafisa Iran ee IRNA sheegtay inay Dowladda Marykanka ka dambaysay falka lagu xayiray Waraabinaadaasi.

- Advertisement -

Marka la booqdo Websaytyadaasi waxaa saaran Ogeysiis ay Dowladda Maraykanka soo dhigtay, kuna sheegtay in loo xiray sababo qeyb ka ah Xoojinta Sharciga.

Latest stories