HomeWararSarkaal ka tirsanaa Ciidanka Gorgor oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Gorgor oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya koox hubeysan oo xalay gudaha degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka ay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa Bastoolado, xili uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya koox hubeysan oo xalay gudaha degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka ay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa Bastoolado, xili uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan Wadajir, isagoona u geeriyooday rasaas ku dhacday.

- Advertisement -

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Yarami, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Ciidanka kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya ee dalka Turkiga lagu soo tababaray.

Raggii ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana sida caadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydka Marxuum Maxamed Cali.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan dilkii xalay gudaha degmada Wadajir Gobolka Banaadir loogu geystay Maxamed Cali Yarami oo ka tirsanaa Ciidanka Gorgor.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hubeysan bastoolado, waxaana inta badan falalkaas dilalka sheegta Al-shabaab.

Latest stories