HomeWararSawirro:-Dowladda Somalia iyo Itoobiya oo Maanta kala saxiixday heshiis Ganacsi

Sawirro:-Dowladda Somalia iyo Itoobiya oo Maanta kala saxiixday heshiis Ganacsi

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Heshiiskii ugu horeeyey ee Rasmiga ah ayey Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ku kala saxiixdaan Heshiiska Ganacsiga  Qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Somalia.   Xafladda lagu kala saxiixanayey Heshiiskaasi ayaa waxaa barqanimadii maanta lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadn Cadde ee magaalladan Muqdisho. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federalka, C/llaahi Bidhaan Warsame, […]

- Advertisement -

Heshiiskii ugu horeeyey ee Rasmiga ah ayey Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ku kala saxiixdaan Heshiiska Ganacsiga  Qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Somalia.  

Xafladda lagu kala saxiixanayey Heshiiskaasi ayaa waxaa barqanimadii maanta lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadn Cadde ee magaalladan Muqdisho.

- Advertisement -

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federalka, C/llaahi Bidhaan Warsame, iyo Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka, Duraan Axmed Faarax iyo Daniraha Ethiopia u jooga Somalia iyo Mas’uuliyiin iyo Gaacsato iyo Mart kale ayaana ka qeyb galay Saxiixa Heshiiska rasmiga ee Ganacsiga Labada Waddan ee Somalia iyo Ethiopia.

Heshiiskaasi ayaana horseeday in Kalluunka Somalia uu Suuq Caalami ah ka helo Dalalka deriska iyo kuwa kale.

Dhinaca kale, Shixnadii ugu horeeysay ee Kalluunka Somalia oo dhan 5000 oo Tan ayaa maanta loo daabulay dalka Ethiopia, iyadoo lagu raray 2 ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Ethiopian Airlines oo maanta Shixnado Qaad ah ka soo dejiyey Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka iyo Koox Gaacsato ay booqasho Hawleed ku tageen Degmadda Qaddiimiga ee Warsheekh ee Gobalka Sh/dhexe, iyagoo soo indha-indheeyey Furasadaha Maalgashiga iyo Ganacsiga ee Kalluunka.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska Ganacsi ee ay Somalia iyo Ethiopia ku kala saxiixdeen Ganacsiga Is-dhaafsiga ee Kalluunka Somalia iyo Qaadka Ethiopia waxaa uu abuuri doonaa Mashaariic Horumarineed, Ilo Dhaqaale iyo is-dhaafsi Ganacsi ee Badeecadahaasi iyo inuu dalka u baaqdo Dhaqaalihii badnaa ee ku bixi jirey Shixnadihjii Qaadkii ee horey maalin kasta looga keenji jirey dalka Kenya.

Latest stories