HomeWararRW Rooble oo Booqday dhaawacyada Qaraxii lagu laayay Dhalinyarada

RW Rooble oo Booqday dhaawacyada Qaraxii lagu laayay Dhalinyarada

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii shalay lala beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii shalay lala beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Rooble ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan wax uu ugu yeeray cadaw, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xerada Jeneraal Dhaga-badan.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey dhalinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo sal dheer ugu jiray diiwaan-gelin, waxaana qaraxa ku naf-waayay in ka badan 20 dhalinyaro ah, halka 45 kalena ay dhaawacmeen, iyadoona mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab.

Latest stories