HomeWararPuntland oo sheegtay inay qabsatay Saldhig ay lahaayeen Al-shabaab

Puntland oo sheegtay inay qabsatay Saldhig ay lahaayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ciidanka PMPF ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano buuraley ah oo ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulkaas.

Ciidamada PMPF ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay dhulka buuralayda Cal-miskaad gaar ahaan halka loo yaqaano buurta Barida oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka PMPF ee Puntland ayaa waxaa ay ku sheegteen inay howlgalka kula wareegeen Saldhig Shabaabka ku lahaayeen buuralayda Cal-miskaad, in kastoo aysan shaacin inuu dagaal ama weerar ka dhacay halkaas.

Sidoo kale Saraakiisha Puntland ayaa tilmaamay inay qabsadeen saanad hub ah, walxaha Qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal oo ku yaallay Saldhiga ay la wareegeen.

Si kastaba Ciidanka PMPF ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa horey sidaan oo kale howlgalo qorsheysan uga fuliyay deegaano ka tirsan dhulka buuralayda ee Gobolka Bari, iyagoona ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories