HomeWararMadaxweynaha Hirshabeelle oo Talyaaniga kala hadlay dhibaatada Fatahaadaha

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Talyaaniga kala hadlay dhibaatada Fatahaadaha

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha fatahaadaha uu sameeyay Webiga Shabeelle, Amniga iyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada Deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Ambassador  Alberto Vecchi Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya la wadaagay Xaaladaha  fatahaada ee hada taagan iyo sidii loo caawin lahaa dadkii ku barakacay fatahaada Wabiga shabeelle oo ay ku barakaceen in kabadan toban kun oo qoys.

Inta uu socday sidoo kale kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa xal u helida Arrimaha Fatahaadaha oo ku soo laab laabtay maamulka Hirshabeelle.

Kulanka waxaa la iskula soo qaaday dhismaha iyo tababarada ciidamada booliiska,  Daraawiishta Fulinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada sida Cusbitaalo iyo adeegyo kale oo muhiim ah iyo Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka iyagoo balan qaaday in sanadka cusub ay Magaalada Beledweyne nooga dhisi doonaan Airport Caalami ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taagerada ay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan shaqooyinka ay ka wadaan Magaalada Beledweyne Xarunta Ganacsiga Dowlada Hirshabeelle.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories