HomeWararKhasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Xerada Jen. Dhaga-badan oo sii kordhay

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Xerada Jen. Dhaga-badan oo sii kordhay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maamulka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda dhaawacyada la geeyay Isbitaalkaas ee dadkii ku dhaawacmay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee duhurnimadii Maanta ka dhacay Xerada tababarka Ciidanka ee Jeneraal Dhaga-badan Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Haashim Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Isbitaalka la geeyay 45 ruux oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda dhaawacyada la geeyay Isbitaalkaas ee dadkii ku dhaawacmay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee duhurnimadii Maanta ka dhacay Xerada tababarka Ciidanka ee Jeneraal Dhaga-badan

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Haashim Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Isbitaalka la geeyay 45 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan 38 kamid ah dadkaas la jiifiyay, halka 6 qof kalena  la daaweeya, kadibna la fasaxay.

- Advertisement -

Agaasime Haashin Maxamed ayaa xusay in 5 kamid ah dadka ay qabeen dhaawacyo culus, isla markaana loo sameeyay qaliino, halka dadka kalena ay yihiin dhaawacyo xaaladooda Caafimaad aan liidan, kuwaasi oo loo fidiyay gargaar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 10 ruux, halka 20 qof kalena ay ku dhaawacmeen, balse Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in khasaaraha uu gaarayo 45 qof.

Dhammaan dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxii Maanta ka dhacay Xerada tababarka Ciidanka Jeneraal Dhaga-badan ayaa ahaa dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, waxaana isku qaraxiyeu Nin isa-soo miidaamiyey.

- Advertisement -

Al-shabaab oo warar ku faafiyay baraha qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Xerada tababarka Ciidanka Dhaga-badan, iyagoona sheegay inay ku dileen 40 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts