HomeWararPuntland oo xukun Dil toogasho ku riday in ka badan 15 ruux

Puntland oo xukun Dil toogasho ku riday in ka badan 15 ruux

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku riday Rag farabadan oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo dilal iyo weeraro ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo. Raggaan oo gaaraya ilaa iyo 18 xubnood ayaa 17 kamid ah waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku riday Rag farabadan oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo dilal iyo weeraro ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo.

Raggaan oo gaaraya ilaa iyo 18 xubnood ayaa 17 kamid ah waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.

- Advertisement -

Waxey ku eedeysan yihiin in Gaalkacyo iyo qeybo kala duwan ee maamulka Puntland kamid ah iney ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux, isla markaana waxaa dadkaas isugu jireen Mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah.

Sidoo kale Raggan la xukumay ayaa qaarkood ka hawlgalayey Puntland muddo dhan 13 sano, iyagoona lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay howlgal la sameeyay.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan Mas’uuliyada falalkaas dhacay  sheegtay Al-shabaab.

Latest stories