HomeCaalamkaDowladda Masar oo beenisay in la bililiqeystay Safaarad ay lahaayeen

Dowladda Masar oo beenisay in la bililiqeystay Safaarad ay lahaayeen

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Danjira Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida ee ku sugan Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli waxa uu beeniyey Warar lagu sheegay in dhac iyo boob loo geystay Safaaradda Masar ku leedahay Tripoli. Danjire Maxamed Taruut Saliim oo la hadlay Warbaahinta Yoom Sabca waxa uu tilmaamay in Gaadiidka sawirkooda lagu baahiyey Baraha Bulshada yihiin 5 Gaari oo Safaaradda Masar […]

- Advertisement -

Danjira Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida ee ku sugan Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli waxa uu beeniyey Warar lagu sheegay in dhac iyo boob loo geystay Safaaradda Masar ku leedahay Tripoli.

Danjire Maxamed Taruut Saliim oo la hadlay Warbaahinta Yoom Sabca waxa uu tilmaamay in Gaadiidka sawirkooda lagu baahiyey Baraha Bulshada yihiin 5 Gaari oo Safaaradda Masar laga bililiqeystay sanadkii 2014-kii, wuxuuna mar kale beeniyey inay Gaadiidkaasi yihiin kuwo dhawaan laga soo dhacay Safaaradooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladaha Masar iyo Libiya waxay dib u soo celiyeen Xiriirkoodkooda, iyadoo Safaarada Masar dib loo furay bishii la soo dhaafay ee May 21-da.

Latest stories