HomeWararTobaneeyo qof oo lagu dilay Duqeyn lala beegsaday Isbitaal

Tobaneeyo qof oo lagu dilay Duqeyn lala beegsaday Isbitaal

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Hawl-wadeeno Caafimaad iyo Bukaan ayaa lagu dilay Duqeyn Madaafiic ah oo lala eegtay Isbitaal ku yaalla Degmadda AFRIN ee Waqooyiga dalkaasi, una dhow Xuduudka Turkiga. Ugu yaraan 13 qof oo 2 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Caafimaadka ayaa lagu dilay Duqeymahaasi, halka 27 kalena lagu dhaawacay. Hay’ad Maraykan  oo taageero Adeeg Caafimaad siisa  Xarumaha Caasfimaadka ee […]

- Advertisement -

Hawl-wadeeno Caafimaad iyo Bukaan ayaa lagu dilay Duqeyn Madaafiic ah oo lala eegtay Isbitaal ku yaalla Degmadda AFRIN ee Waqooyiga dalkaasi, una dhow Xuduudka Turkiga.

Ugu yaraan 13 qof oo 2 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Caafimaadka ayaa lagu dilay Duqeymahaasi, halka 27 kalena lagu dhaawacay.

- Advertisement -

Hay’ad Maraykan  oo taageero Adeeg Caafimaad siisa  Xarumaha Caasfimaadka ee Deegaanada Mucaaradka ayaa sheegay in 2 Gantaal lala beegsaday Isbitaalka Al-Shifa ee ku yaalla Degmadda Afrin.

Hay’adaasi oo lagu magacaabo The Syrian American Medical Society ama loo soo gaabiyo SAMS,waxay sheegtay in Duqeymahaasi lagu burburiyey qeybaha Gargaarka Degdegga, Bukaanadda iyo Qolka ay Haweenka ku umulaan ee Isbitaalka.

Warbixinta Hay’adda waxaa lag xusay in Duqeymahajasi lagu dilay 13 qof oo 2 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Caafimaadka iyo 2 Darewal waday Gaadiidka Ambalaasta ee Isbitaalka, laguna dhaawacay 27 qof, oo 11 ka mid ka tirsan yihjiin Shaqaalaha Isbitaalka la duqeeyey.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ma kala cadda Jihada sida rasmiga uga dambeysay Duqeymahaasi oo ku soo beegantay, xilli ay Ciiddanka Dowladda Syria iyo Maleeshiyadda Kurdishka ee ay Turkiga taageerto loo soo daad-gureeyey nawaaxiga Degmadda Afriin.

Latest stories