HomeWararDowladda oo Kenya ka dalbatay inay dib u furto Safaaradeeda Somalia

Dowladda oo Kenya ka dalbatay inay dib u furto Safaaradeeda Somalia

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowladda Kenya oo muddo kahor dib loo soo celiyay, balse uu mar kale xumaaday. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in mar kale dowladda ay dib u soo celineyso xiriirka Kenya, iyadoona dib […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowladda Kenya oo muddo kahor dib loo soo celiyay, balse uu mar kale xumaaday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in mar kale dowladda ay dib u soo celineyso xiriirka Kenya, iyadoona dib u soo celinta ku tilmaamtay mid sharaf leh.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka ayaa Kenya ugu baaqday inay dib u furto Safaaradeeda ay ku leedahay Soomaaliya, halka dowladda ay caddeysay inay dib u furi dooto Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

“Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya” ayaa lagu yiri Qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa la sii raacsiiyay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga faa’iideysanaysaa fursaddan inay dib ugu cusbooneysiiso wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya hubinta tixgelinta ugu sareysa”.

- Advertisement -

Maalmaha soo socda ayaa waxaa bilaaban doona tallaabooyin dib xiriirka labada dal loogu so celinayo, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socota ay tagi doonaan Magaalada Nairobi, halka kuwo kalena ay imaan doonaan Muqdisho.

Latest stories