HomeWararSomaliland oo si kulul uga Jawaabtay hadal kasoo yeeray Puntland

Somaliland oo si kulul uga Jawaabtay hadal kasoo yeeray Puntland

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Maamul Goboleedka Puntland kaasi oo ahaa go’aan ku saabsanaa imtixaanka Sanaag. Qoraal kasoo baxay Wasdaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay qoraalkaas in go’aanka Puntland uu yahay hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, waxaana Somaliland ay intaa ku dartay in habayaratee go’aankaasi uusan […]

- Advertisement -

Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Maamul Goboleedka Puntland kaasi oo ahaa go’aan ku saabsanaa imtixaanka Sanaag.

Qoraal kasoo baxay Wasdaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay qoraalkaas in go’aanka Puntland uu yahay hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, waxaana Somaliland ay intaa ku dartay in habayaratee go’aankaasi uusan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda Somaliland.
Akhriso qoraalka Wasaaradda.

- Advertisement -

“Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.
Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.
Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.
Ugu danbayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka”.

Latest stories