HomeWararPuntland oo Duulimaad Caalami ah ka daah-furtay Garoon diyaaradeed

Puntland oo Duulimaad Caalami ah ka daah-furtay Garoon diyaaradeed

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ay kusoo kordhisay duulimaad caalami ah oo halkaas laga bilaabayo. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo Qoraal soo saaray ayaa ku sheegay in Garoonka Boosaaso ay ka daah-fureen duulimaad ay sameeyneyso shirkadda Diyaaradaha ee Halla […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ay kusoo kordhisay duulimaad caalami ah oo halkaas laga bilaabayo.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo Qoraal soo saaray ayaa ku sheegay in Garoonka Boosaaso ay ka daah-fureen duulimaad ay sameeyneyso shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

- Advertisement -

Wasiir Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in Duulimaadkan uu noqon doona mid joogto ah, isla markaana isku xiri doono Magaalada Shaariqa oo ka tirsan dalka Imaaraadka Carabta iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso.

Sidoo kale Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay horumarinta duulimaadyada Gudaha iyo kuwa Caalamiga ah ee Puntland.

“Waxaa naga go’an in aan horumarino duulimaadyada Gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Puntland si ay ugu fududeeyaan isu socod dadka reer Puntland ee ukala safraya dunida dacaladeeda” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Wasiir Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in duulimaadka cusub ee ku soo kordhiyeen Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqon doono Maalinta kasta oo talaadada ah, isla markaana ay sameeyneyso shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

Latest stories